Hel taageero (Somali)

Ma ku cusub tahay Iswiidhan oo ma rabtaa qof walaashaa kaa weyn oo kale kuu noqda oo aad la hadasho?

Barta gabdhaha/hablaha(tjezonen) waxay gabdhaha da’doodu u dhaxayso 10-25 sano oo Stockholm ku nooli ka heli karaan gabar ayaga u khaas ah oo walaashood ka weyn oo kale u noqota oo dhagaysata oo taageerta. Walaalaha waaweyni waxay waxbarasho aasaasi ah ka soo qaateen tjezonen, laakiin ayagu xeel dheerna ma aha cilmi nafsi-yaqaana ma aha. Waa gabar xoogaa kaa da’ weyn oo bini’aadanimo kuu taageeri karta oo ku dhagaysan karta. Ayada waxaad kala hadli kartaa tusaale ahaan waxyaabaha aad dareemayso in ay dhib yihiin ama adag yihiin, waxaana lagaa taageeri karaa in aad maarayso dareenka welwelka, kurbada, niyad xumida ama kalinimada. Waxay kaloo kaa caawini kartaa in ay casharada kaala shaqayso, kula qorto warqada noloshaadi waxaad soo qabatay ka hadlaya(CV) ama af-iswiishiska ayaad kula tababaran kartaa.

Waxaad kala dooran kartaa in aad walaashaas weyn fool ka fool ula kulanto ama aad dijitaal ahaan ula kulanto. Tusaale ahaan waad isla soo lugayn kartiin, magaalada ayaad meelo cusub ka soo baran kartiin, waad soo shaahi kartiin, makatabada ayaad soo booqan kartiin ama far la isku qoro, talefoon cod ama -fideyo ah baad ku wada hadli kartiin.

Walaasha weyni af-iswiidhishka ayey ku hadli kartaa, badanaana luuqad kale ayay taqaan(tusaale ahaan af-soomaliga, carabiga, Dariga ama tigigiriiga).

Waxaad kulmaysiin 1 ilaa 2 saac labadii asbuucba mar ilaa mudo hal sano gaari karta.

Barta hablaha waxaan leenahay ballan qaad aamusnaan.Taas oo macnaheedu yahay in wixii aad noo shaagtaa ayna anaga na dhaafayn. Caawinaad kasta oo aad halkaan ka heshaa waa lacag la’aan.

Halkaan ka soo dalbo

Ma rabtaa in aad wax dheeraad ah ka sii ogaatid?

Su’aalo ma ka qabtaa sida loo helo walaal weyn? U soo dir iimayl halkaan:

Terese.balte.lindqvist@tjejzonen.se

Qadad fiican oo la geli karo

Hadii aad ka fakarayso ama su’aalo ka qabto macluumaad hammiga la xariira, caafimaadka ama xiriirada waxaad warbixin dheerad ah ka akhrisan kartaa youmo.se halkaas waxaad ka helaysaa warbiximo luuqado kala duwan ku qoran sida af-soomaaliga, carabiga iyo tigriiska.